وَإِلَىٰ عَادٍ أَخَاهُمۡ هُودٗاۚ قَالَ يَٰقَوۡمِ ٱعۡبُدُواْ ٱللَّهَ مَا لَكُم مِّنۡ إِلَٰهٍ غَيۡرُهُۥٓۖ إِنۡ أَنتُمۡ إِلَّا مُفۡتَرُونَ
Caadna waxaa Ioo diray Walaalkood Nabi Huud, wuxuuna yidhi Qoomkayow caabuda Eebe Ilaah kale idiinma sugnee waxaan been abuurasho ahayna kuma sugnidin.
يَٰقَوۡمِ لَآ أَسۡـَٔلُكُمۡ عَلَيۡهِ أَجۡرًاۖ إِنۡ أَجۡرِيَ إِلَّا عَلَى ٱلَّذِي فَطَرَنِيٓۚ أَفَلَا تَعۡقِلُونَ
Qoomkayow idinka warsan maayo xaqa ujuuro ujuuradayda waxaan uun ka mutaa Eebaha i Abuuray ee miyeydaan wax kasayn.
وَيَٰقَوۡمِ ٱسۡتَغۡفِرُواْ رَبَّكُمۡ ثُمَّ تُوبُوٓاْ إِلَيۡهِ يُرۡسِلِ ٱلسَّمَآءَ عَلَيۡكُم مِّدۡرَارٗا وَيَزِدۡكُمۡ قُوَّةً إِلَىٰ قُوَّتِكُمۡ وَلَا تَتَوَلَّوۡاْ مُجۡرِمِينَ
Qoomkayow Dambi dhaaf warsada Eebihiin una toobad kenna ha soo (Daayo) diro Samada (Roobka) korkiinna si badane hana idiinku kordhiyo xoog xooggiinii hana jeedsanina idinkoo Dambiilayaal ah.
قَالُواْ يَٰهُودُ مَا جِئۡتَنَا بِبَيِّنَةٖ وَمَا نَحۡنُ بِتَارِكِيٓ ءَالِهَتِنَا عَن قَوۡلِكَ وَمَا نَحۡنُ لَكَ بِمُؤۡمِنِينَ
waxay dheheen Huudow noolama aadan imaanin Xujo cad kagamana tageeyono llaalryahannaga hadalkaaga kumana rumeynayno.
إِن نَّقُولُ إِلَّا ٱعۡتَرَىٰكَ بَعۡضُ ءَالِهَتِنَا بِسُوٓءٖۗ قَالَ إِنِّيٓ أُشۡهِدُ ٱللَّهَ وَٱشۡهَدُوٓاْ أَنِّي بَرِيٓءٞ مِّمَّا تُشۡرِكُونَ
wax kale kuguma dhaheeyno oon ahayn in Ilaahyahannaga Qaarkood kugu asiibeen xumaan (Cudur) wuxuu yidhi waxaan Eebe marag galin ee idinkuna marag nogda inaan bari ka ahay waxaad la wadaajinaysaan, (Cibaadada).