فَلَمَّا ذَهَبَ عَنۡ إِبۡرَٰهِيمَ ٱلرَّوۡعُ وَجَآءَتۡهُ ٱلۡبُشۡرَىٰ يُجَٰدِلُنَا فِي قَوۡمِ لُوطٍ
markay Nabi Ibraahim ka tegtay Cabsidii (argagaxii) una timid Bishaaradii yuu noqday mid nagula dooda xaalka Qoomka (Nabi Luudh).
إِنَّ إِبۡرَٰهِيمَ لَحَلِيمٌ أَوَّـٰهٞ مُّنِيبٞ
Nabi Ibraahimna waa dulsame noqosho iyo toobadkeen badan.
يَـٰٓإِبۡرَٰهِيمُ أَعۡرِضۡ عَنۡ هَٰذَآۖ إِنَّهُۥ قَدۡ جَآءَ أَمۡرُ رَبِّكَۖ وَإِنَّهُمۡ ءَاتِيهِمۡ عَذَابٌ غَيۡرُ مَرۡدُودٖ
Ibraahimow iskaga jeedso xaalkan, waxaa dhab u yimid Amarkii Eebahaaye iyagana waxaa u imaan cadaab aan laga celinayne.
وَلَمَّا جَآءَتۡ رُسُلُنَا لُوطٗا سِيٓءَ بِهِمۡ وَضَاقَ بِهِمۡ ذَرۡعٗا وَقَالَ هَٰذَا يَوۡمٌ عَصِيبٞ
markay Malaa'igtaan soo diray u timid Nabi Luudh wuu ka walbahaaray wuuna la cidhiidhyamay wuxuuna yidhi tani waa Maalin daran.
وَجَآءَهُۥ قَوۡمُهُۥ يُهۡرَعُونَ إِلَيۡهِ وَمِن قَبۡلُ كَانُواْ يَعۡمَلُونَ ٱلسَّيِّـَٔاتِۚ قَالَ يَٰقَوۡمِ هَـٰٓؤُلَآءِ بَنَاتِي هُنَّ أَطۡهَرُ لَكُمۡۖ فَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ وَلَا تُخۡزُونِ فِي ضَيۡفِيٓۖ أَلَيۡسَ مِنكُمۡ رَجُلٞ رَّشِيدٞ
waxaana yimid Qoomkiisii oo u deg degi xaggiisa horayna waxay u ahaayeen kuwo fala Xumaan, wuxuuna yidhi Qoomkayow kuwaasu waa gabdhahaygii iyagaa idiin dhahiran ee ka dhawrsada Eebe bana igu dullaynina martidayda miyuusan Nin rashiida «fiican» idinku jirin.