قَالَ يَٰقَوۡمِ أَرَءَيۡتُمۡ إِن كُنتُ عَلَىٰ بَيِّنَةٖ مِّن رَّبِّي وَرَزَقَنِي مِنۡهُ رِزۡقًا حَسَنٗاۚ وَمَآ أُرِيدُ أَنۡ أُخَالِفَكُمۡ إِلَىٰ مَآ أَنۡهَىٰكُمۡ عَنۡهُۚ إِنۡ أُرِيدُ إِلَّا ٱلۡإِصۡلَٰحَ مَا ٱسۡتَطَعۡتُۚ وَمَا تَوۡفِيقِيٓ إِلَّا بِٱللَّهِۚ عَلَيۡهِ تَوَكَّلۡتُ وَإِلَيۡهِ أُنِيبُ
wuxuu yidhi Qoomkayow bal ka warrama haddaan ku sugnahay xujo Eebahay iguna arsuqay risqi wanaagsan, oonan doonaynna inaan idiin dabo maro waxaan idinka reebi oonan doonayn waxaan wanaajin ahayn, intaan karo, waafajintaydana waxaan Eebe ahayn ma karo isagaana talo saartay xaggiisaana u noqon, (Toobad).
وَيَٰقَوۡمِ لَا يَجۡرِمَنَّكُمۡ شِقَاقِيٓ أَن يُصِيبَكُم مِّثۡلُ مَآ أَصَابَ قَوۡمَ نُوحٍ أَوۡ قَوۡمَ هُودٍ أَوۡ قَوۡمَ صَٰلِحٖۚ وَمَا قَوۡمُ لُوطٖ مِّنكُم بِبَعِيدٖ
Qoomkayow yuusan idinku xambaarin khilaafkaygu inuu idinku dhaco wixii ku dhacay Qoomkii (Nabi) Nuux ama qoomkii Nabi Huud ama (Nabi) Saalax idinkamana foga waqtigii Qoomkii (Nabi) Luudh.
وَٱسۡتَغۡفِرُواْ رَبَّكُمۡ ثُمَّ تُوبُوٓاْ إِلَيۡهِۚ إِنَّ رَبِّي رَحِيمٞ وَدُودٞ
ee dambi dhaaf warsada Eebihiin una toobadkeena ileen Eebahay waa Naxariiste Jeeel (Ciddii toobad keentee).
قَالُواْ يَٰشُعَيۡبُ مَا نَفۡقَهُ كَثِيرٗا مِّمَّا تَقُولُ وَإِنَّا لَنَرَىٰكَ فِينَا ضَعِيفٗاۖ وَلَوۡلَا رَهۡطُكَ لَرَجَمۡنَٰكَۖ وَمَآ أَنتَ عَلَيۡنَا بِعَزِيزٖ
waxay dheheen Schucaybow ma kasaynno wax badan ood sheegi waxaana kugu aragnaa inaad dhexdannada ku tabar yartahay, hadduusan Qoomkaagu jirin waan ku dhegexyeyn lahayn, mana tihid adugu mid cisi naguleh.