ترجمة سورة المرسلات

الترجمة الصومالية

ترجمة معاني سورة المرسلات باللغة الصومالية من كتاب الترجمة الصومالية.
من تأليف: الشيخ محمد أحمد عبدي .

Waxaan ku dhaartay Dabaysha wanaaga lala Diro. (1)
iyo Dabaysha sida daran u dhabata. (2)
Iyo Dabaysha roobka kicisa. (3)
Iyo malaa'igta Xaqa iyo Baadilka kala Bixisa. (4)
iyo malaa'igta waxyiga soo Dajisa. (5)
Si Dadka loo waaniyo looguna digo. (6)
Ee waxa dadow Eebe ku Yaboohay wuu dhici. (7)
Markase xiddiguhu Nuurku ka tago. (8)
Oo samadu Dildillaacdo. (9)
Oo Buuraha la Rujiyo. (10)
Oo Rasuulladii la kulmiyo (iyo Dadkoodii). (11)
Maalin wayn oo loo Qabtay Darteed. (12)
In dadka la kala Bixiyo Dartiis. (13)
Maalinta kala Bixinta ma Taqaannaa. (14)
Halaag wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniyay. (15)
Miyaannaan Halaagin Ummadihii hore. (16)
Haddana Aannaan Raccinhaynin kuwii Dambe. (17)
Saasaana ku Falaynaa Dambiilayaasha. (18)
Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniya. (19)
Miyaannaan Idinka Abuurin biyo tabar yar. (20)
Markaasna yeellay meel ilaashan. (21)
Tan iyo Muddo la yaqaanno. (22)
Annagaa wax Qaddarray, wax Qaddarana u Fiican. (23)
Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniya. (24)
Miyaanaan ka yeelin Dhulka kafaalaqaade. (25)
Nolol iyo Geeriba. (26)
Waxaana yeellay Dhulka Dhexdiisa buuro sugan oo waawayn, waxaana idinka Waraabinnay biyo macaan. (27)
Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniyay. (28)
Aada gaalooy cadaabkii xaggiisa aad Beenin Jirteen. (29)
Aada hoos (Qiiba naarta) oo saddex madax ah. (30)
Oon hoosinayn, ololla (Kulaylna) wax ka tarayn. (31)
Waxayna Naartu tuuri Dhimbilo daran ood Mooddo daar. (32)
Ama aad Mooddo geel madaw ah. (33)
Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniyay. (34)
Taasina waa maalin aynan hadlaynin Dadku. (35)
Lamana idmo si Ay u cudurdaartaan. (36)
Halaagna wuxuu u sugnaaday maalintaas kuwa xaqa Beeniyay. (37)
Maalintan waa maalintii kala Bixinta, Waana idin kulminnay idinka iyo kuwii Horreeyayba. (38)
Ee Haddaad wax Dhagrikartaan i Dhagra. (39)
Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniyay. (40)
Kuwa Eebe ka Dhawrsada waxay ku sugnaan hoos iyo ilo; (41)
(Waxayna Cuni) khudaartay Doonaan. (42)
Waxaana Lagu dhihi Cuna oo cabba Idinkoo shifaysan Camalkiinnii Dartiis. (43)
Sasaana ku abaalMarinaynaa kuwa wanaagga fala. (44)
Halaagna wuxuu u Sugnaaday kuwa xaqa Beeniya. (45)
(Gaalada waxaa lagu Dhihi) Cuna oo Raaxaysta wax yar, waxaad tihiin Dambiilayaale; (46)
Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniyay. (47)
Markii la yidhaahdo Gaalada tukada ma tukadaan. (48)
Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniya. (49)
Hadalkeebay Quraanka Dabadiis Rumaynhayaan. (50)
سورة المرسلات
معلومات السورة
الكتب
الفتاوى
الأقوال
التفسيرات

سورة (المُرسَلات) من السُّوَر المكية، نزلت بعد سورة (الهُمَزة)، وقد جاءت ببيانِ قدرة الله على بعثِ الناس بعد هلاكهم؛ فهو المتصفُ بالرُّبوبية والألوهية، وقد افتُتحت بمَشاهدِ القيامة، والتذكير بمَصارعِ الغابرين، وذكَرتْ تأمُّلات في خَلْقِ الإنسان والكون؛ ليعودَ الخلقُ إلى أوامرِ الله، وليستجيبوا له سبحانه، و(المُرسَلات): هي الرِّياحُ التي تهُبُّ متتابِعةً.

ترتيبها المصحفي
77
نوعها
مكية
ألفاظها
181
ترتيب نزولها
33
العد المدني الأول
50
العد المدني الأخير
50
العد البصري
50
العد الكوفي
50
العد الشامي
50

* سورة (المُرسَلات):

سُمِّيت سورة (المُرسَلات) بذلك؛ لافتتاحها بالقَسَمِ الإلهيِّ بـ(المُرسَلات)؛ وهي: الرِّياح التي تهُبُّ متتابِعةً.

سورة (المُرسَلات) من السُّوَر التي شيَّبتْ رسولَ الله صلى الله عليه وسلم:

عن ابنِ عباسٍ رضي الله عنهما، قال: «قال أبو بكرٍ الصِّدِّيقُ رضي الله عنه لرسولِ اللهِ صلى الله عليه وسلم: يا رسولَ اللهِ، أراكَ قد شِبْتَ! قال: «شيَّبتْني هُودٌ، والواقعةُ، والمُرسَلاتُ، و{عَمَّ يَتَسَآءَلُونَ}، و{إِذَا اْلشَّمْسُ كُوِّرَتْ}». أخرجه الحاكم (3314).

1. مَشاهد القيامة (١-١٥).

2. مَصارع الغابرين (١٦-١٩).

3. تأمُّلات في خَلْقِ الإنسان والكون (٢٠-٢٨).

4. عودٌ لمَشاهد القيامة (٢٩-٥٠).

ينظر: "التفسير الموضوعي لسور القرآن الكريم" لمجموعة من العلماء (8 /540).

مقصدُ سورة (المُرسَلات): الاستدلالُ على وقوع البعث بعد فَناء الدنيا، والاستدلال على إمكانِ إعادة الخَلْقِ بما سبَق من خَلْقِ الإنسان وخلق الأرض، وفي ذلك دلائلُ على قدرة الله، واتصافِه بالوَحْدانية والرُّبوبية.

ينظر: "التحرير والتنوير" لابن عاشور (29 /419).