ترجمة سورة إبراهيم

الترجمة الصومالية

ترجمة معاني سورة إبراهيم باللغة الصومالية من كتاب الترجمة الصومالية.
من تأليف: الشيخ محمد أحمد عبدي .

xarfaha hore oo kale waa la soo sheegay macnahooda, kanna waa Kitaab aannu kugu soo dejinnay inaad kaga bixisid dadka mugdiyada xagga Nuur idamka Eebehood iyo jidka Eebaha adkaada ee la Mahadiyo. (1)
Ilaaha iska leh waxa Somooyinka iyo Dhulka ku sugan, halaagna waxaa mudan Gaalada cadaab daran xaggiis. (2)
oo ah kuwa ka jecel nolosha adduun Aakhiro oo ka leexiya (Dadka) Jidka Eebe lana dooni Qallooc, kuwaasuna waxay ku suganyihiin Baadi fog. (3)
Rasuul kuma dirro waxaan Afka Qoomkiisa ahayn si uu ugu caddeeyo, wuuna baadiyeeyaa Eebe cidduu doono inta xaqa loo caddeeyey ka dib, wuuna hanuunin cidduu doono, waana adkaade falsan. (4)
waxaan la dirray (Nabi) Muuse Aayaadkannaga bixi Qookaaga Mugdiyada xagga Nuurka, kuna waani «xusuusi» Nicmooyinkii Ilaahay arrintaasna Aayaadbaa (Calaamooyin) ugu sugan samir badane, shugri badan dhammaantiis. (5)
iyo markuu Nabi Muuse ku yidhi Qoomkiisa xusuusta Nicmada Eebe korkiinna markuu idinka koriyey Colkii Fircoon iyagoo idin dhadhansiin cadaab (Daran) Xun oo gawrici Wilashiinna oo dayn Gabdhihiinna (Dullaysi) arrintaasna waxaa ku sugnayd Balayo (Intixaam) Eebihiin oo wayn. (6)
iyo markuu Eebihiin ogaysiiyey haddaad shugridaan waan idiin kordhin, haddaad gaalowdaanna cadaabkaygu waa daranyahay. (7)
wuxuuna yidhi (Nabi) Muuse haddaad Gaalowdaan idinka iyo waxa ku sugan Dhulka dhammaan Eebe waa Hodan mahadsan. (8)
miyuuna idin soo gaadhin warkii kuwii idinka horreeyey (oo ah) Qoomkii Nabi Nuux, Caad, Thamuud, iyo kuwii ka dambeeyey, ma oga (Tiradooda) Eebe mooyee, waxayna ula yimaadeen Rasuuladoodii xujooyin waxayna ku celiyeen Gacmahooda Afkooda (Way beeniyeen) waxayna dhaheen anagu waan ka gaalownay waxa laydinku soo diray annguna shakibaan kaga sugannahay waxaad noogu yeedhaysaan xaggiisa oo daran. (9)
waxay dheheen Rasuuladoodii ma Eebaa shaki ku jiraa ee abuuray Samooyinka iyo Dhulka idiinkuna yeedhi inuu idinka dhaafo dambiyadiinna dibna idiin dhigo tan iyo muddo magacaaban, waxayna dheheen idinku ma tihiin waxaan bashar (Dad) nala mida ahayn, waxaadna doonaysaan inaad naga leexisaan waxay caabudi jireen Aabbayaalkanno noo keena xujo cad. (10)
Rasuulladii waxay dheheen annagu ma nihin waxaan dad idin la mida ahayn, Eebaase ku mannaysta (khayr) cidduu doono oo addoomadiisa ka mida, xujana idiinma keeni karro idinka Eebe mooyee, Eebe uunna ha tala saarteen Mu'miniintu. (11)
maxaanaan u talo saaranayn Eebe isagoo nagu hanuuniyey Jidkannaga, waana ku samraynaa waxaad nagu dhibaysaan Eebe uun ha talo saarteen kuwa talosaaran (Cid). (12)
waxay ku dheheen kuwii gaaloobay Rasuulladoodii waxayna ku soo noqonaysaan (soo galaysaan) diintannda, wuxuuna u waxyooday Eebahood inuu halaago daalimiinta. (13)
dajinna idinka dhulka kuwaas ka dib, arrintaasna waxaa heli ciddii ka cabsata la kulankayga oo ka cabsata gooddigayga. (14)
wayna gargaar dalbeen waxaana khasaaray kibir badane madax adag dhammaantiis (xaq diid) (15)
waxaana ka horraysa jahannamo waxaana laga waraabin Biyo carow ah (Dhaacaanka Ehelu Naarka). (16)
wuuna ku margan mana ka degayo wuuna uga imaan Mawdku (Geeridu) meel kasta, mana dhimanayo, gadaashiisna waxaa ah cadaab adag. (17)
kuwa ka gaaloobay Eebahood wuxuu la midyahay camlakoodu dambas ku darraatay «ku dhacday» dabayli maalin dabayl dhabasho daran, kama karaan (helaan) waxay Kasbadeen waxba, kaasina waa baadida fog uun. (18)
miyeydaan arkayn in Eebe u abuuray Samooyinka iyo dhulka xaq, hadduu doonana idin tagsiin karo lana imaan karo khalqi cusub. (19)
arrintaasina Eebe kuma adka. (20)
waxayna dadku u soo bixi Eebe markaasay ku dhihi kuwii «raaciyadda» ahaa kuwii madaxda ahaa anagu idinkaan idin raacaynay ee wax ma nooga taraysaan cadaabka Eebe, waxayna dhahaan hadduu Eebe na hanuuniyo waan idin hanuunin lahayn, waa isugu mid korkeenna haddaan argagaxno ama samirnno (adkaysanno) ma helayno fakasho. (21)
wuxuuna dhahaa shaydaankii marka amarka la xukumo, Eebe wuxuu idiin yaboohay yabooh xaq ah anna waan idiin yaboohay waana idinku beeniyey, wax xujo ahna idinkuma lahayn oon ahayn inaan idiin yeedhay ood i maqasheen ee hay dagaalina ee dagaala naftiinna anuguna idiinma gargaari karo idinna iima gargaari kartaan, anugu waan diiday waxaa ila wadaajiseen horay daalimiintuna waxay mudan cadaab daran. (22)
waxaana la gelin kuwii rumeeyey xaqa oo camal fiican falay Jannooyin ay socoto dhexdeeda wabiyadii iyagoo ku dhex waari idanka Eebe dartiis soo dhawayskooduna dhexdeeda waa salaan. (23)
ma ogtahay sida Eebe ugu yeelay Tusaale kalimada (Erayga) Fiican sida Geed wanaagsan oo laamaheediina samada (kor jiraan). (24)
oo siisa (Bixisa) Cunnadeeda Waqti kasta idanka Eebaheed dartiis, wuuna u yeelada Eebe tusaayaal Dadka inay waantoomaan. (25)
Kalimada (Erayga) xunna (Gaalnimada iyo xumaanta) waxay la mid tahay geed xun lagana rujiyey dhulka korkiisa oon sugnaan lahayn. (26)
wuxuu ku sugaa Eebe kuwa rumeeyey xaqa Erayga sugan (ashaadada iyo xaqa) Nolosha adduun iyo Aakhiraba wuxuuna falaa Eebe wuxuu doono. (27)
ma ogtahay kuwa ku badelay Nicmaddii Eebe Gaalnimo, Dejiyeyna qoomkoodii guri halaag. (28)
Jahannamayna gali meel lagu sugnaadana iyadaa u xun (Jahannamo). (29)
waxayna u yeeleen Eebe shariig inay ka dhumiyaan jidkiisa, waxaad dhahdaa raaxaysta ahaanshihiinnu waa Naare. (30)
Ku dheh addoomadayda rumeeyey (Xaqa) ha oogeen salaadda hana ka Nafaqeeyeen waxaan ku arzaaqay qarsoodi iyo muuqba ka hor imaatin Maalin aan gadaho iyo saaxiib jirin (qiyaamada). (31)
Eebe waa kan Abuuray samooyinka iyo dhulka kana soo dejiyey samada Biyo kuna soo bixiyey midho rizqigiinna dartiis, idiinna sakhiray doonta inay ku socoto badda amarka Eebe idiinna sakhiray Wabiyada. (32)
idiinkuna sakhiray Qorraxda iyo Dayaxa si joogta ah idiinna sakhiray habeenka iyo Maalinta. (33)
idinkana siiyey wax kastood warsataan, haddad tirisaanna Nicmada Eebana ma koobi Kartaan, dadse waa dulmi badane gaalnimo badan. (34)
Xusuusta markuu Nabi Ibraahim yidhi Eebow ka yeel baladkan (Maka) Aamin igana dheeree ani iyo caruurtayda inaan caabudno Sanamyada. (35)
Eebow waxay dhumiyeen wax badan oo ciddii raacdana waa iga mid tii i caasidana adaa dambi dhaafe naxariista ah. (36)
Eebow waxaan dejiyey caruurtaydii (Qaar) tog aan beer lahayna oo ah Baydkaaga sharafta leh agtiisa Eebow inay Oogaan salaadda ee ka yeel Quluubta dadka tii u iilata xaggooda kuna arzaaq midho inay shugriyaan. (37)
Eebow adugu waxaad ogtahay waxaannu qarin iyo waxaannu Muujin, kamana Qarsoona Eebe wax ba samada iyo dhulka (midna). (38)
mahad Eebaa iska leh ee ah kan i siiyey anoo wayn Ismaaeiil iyo Isxaaq Eebahayna waa maqlaha baryada (ajiibe). (39)
Eebow iga yeel mid ooga salaadda aniga iyo caruurtayda Eebow Aqbal baryadayda. (40)
Eebow ii dambi dhaaf ani iyo Labadaydii Waalid iyo Mu'miniinta Maalinta ay kici xisaabtu (Qiyaamadu). (41)
ha u malayn in Eebe halmaansanyahay waxay fali daalimiintu, wuxuu uun dib ugu dhigi maalin ay taagni dhexdiisa indhuhu. (42)
oyna deg degi oo madax kor yeeli oosan soo noqonayn aragoodu (taagmi indhuhu) Quluubtooduna oy madhantahay «cabsi darteed». (43)
uga did dadka maalintuu u iman cadaab oy odhan kuwii dulmi falay eebow dib noogu dhig muddo dhaw aan ajiibno yeedhidaadee oon raacno rasuuladee, miyeydaan ahayn kuwii ku dhaartay horay inaydaan tegayn. (44)
oo degteen guryihii kuwii dulmiyey naftooda oo idiin caddaaday sidaan ku fallay iyagii oon idiin yeellay tusaalayaal. (45)
iyagoo dhagar samayn Eebe agtiisaana Abaalka dhagartoodu yahay, dhagartooduna ma aha mid la suulaan (tagaan) Buuruhu. (46)
ee ha u malayn in Eebe baajin u yabooha Rasuulladiisa illeen Ilaahay waa adkaade aarsadee. (47)
Maalin Buuna (oofin) lagu bedeli dhulka Dhul kale iyo Samooyinkaba, waxaana loo soo bixi Eebaha kalida ah ee awoodda sara leh. (48)
Waxaadna arkaysaa Danbiilayaashii oo Maalintaas lagu xidhiidhiyay (lays kulaxidhay) Biro (Naareed). (49)
Dharkooduna (Qamiisyadoodu) waa Daamur (Naara) waxaana dabooli wajigooda naar. (50)
inuu ka Abaal mariyo Eebe naf kasta Waxay kasbatay, Eebana way deg degtaa xisaabtiisu. (51)
Quraankana waa gaadhsiin Dadka iyo in Loogu Digo iyo inay ogaadaan in Eebe Ilaah Kaliya uun Yahay, iyo inay waantooto Cidda Caqliga leh (Mu'miniinta). (52)
سورة إبراهيم
معلومات السورة
الكتب
الفتاوى
الأقوال
التفسيرات

سورةُ (إبراهيمَ) مِن السُّوَر المكية، وجاءت هذه السورةُ الكريمة على ذِكْرِ مسائل الاعتقاد، والتوحيد، وآياتِ الله عز وجل في هذا الكونِ، كما دعَتْ إلى اتباع الدِّين الخالص: {مِلَّةَ ‌إِبْرَٰهِيمَ ‌حَنِيفٗاۖ}، وقد سُمِّيتْ باسمه عليه السلام، ودعت إلى اتباع الطريق الحقِّ التي دعا إليها كلُّ الأنبياء، كما أورَدتْ ذِكْرَ الجنة والنار، وحال كلٍّ من الفريقين؛ ترغيبًا في الاتباع والطاعة، وترهيبًا عن المعصية والمخالفة، واحتوت على ذِكْرِ عظمة الله في هذا الكونِ الفسيح؛ تثبيتًا للنبيِّ صلى الله عليه وسلم، ومَن والاه.

ترتيبها المصحفي
14
نوعها
مكية
ألفاظها
831
ترتيب نزولها
72
العد المدني الأول
54
العد المدني الأخير
54
العد البصري
51
العد الكوفي
52
العد الشامي
55

* قوله تعالى: {يُثَبِّتُ اْللَّهُ اْلَّذِينَ ءَامَنُواْ بِاْلْقَوْلِ اْلثَّابِتِ فِي اْلْحَيَوٰةِ اْلدُّنْيَا وَفِي اْلْأٓخِرَةِۖ} [إبراهيم: 27]:

عن البَراءِ بن عازبٍ رضي الله عنهما، قال: «نزَلتْ في عذابِ القَبْرِ، فيقال له: مَن رَبُّك؟ فيقول: رَبِّي اللهُ، ونَبيِّي محمَّدٌ ﷺ؛ فذلك قولُهُ عز وجل: {يُثَبِّتُ اْللَّهُ اْلَّذِينَ ءَامَنُواْ بِاْلْقَوْلِ اْلثَّابِتِ فِي اْلْحَيَوٰةِ اْلدُّنْيَا وَفِي اْلْأٓخِرَةِۖ} [إبراهيم: 27]». أخرجه مسلم (٢٨٧١).

* سورة (إبراهيمَ):

سُمِّيتْ سورة (إبراهيمَ) بذلك؛ لأنها تحدَّثتْ - بشكل رئيسٍ - عن سيدنا (إبراهيمَ) عليه السلام، وعَلاقةِ ذلك بالتوحيد.

جاءت موضوعاتُ سورة (إبراهيم) على النحوِ الآتي:

1. منزلة القرآن الكريم، وحُجِّيته على الناس جميعًا (١-٤).

2. دعوة الرُّسل في الإخراج من الظُّلمات إلى النور (٥-٨).

3. استفتاح الرسل بالنصر على أعدائهم (للدعاة) (٩-١٨).

4. نعيم أهل الجنة، وعذاب أهل النار (١٩- ٣١).

5. عظمة الله في الكون، ونِعَمُه على خَلْقه (٣٢- ٣٤).

6. نبأ إبراهيم عليه السلام في دعوته (٣٥- ٤١).

7. صُوَر من مشاهدِ يوم القيامة (٤٢-٥٢).

ينظر: "التفسير الموضوعي للقرآن الكريم" لمجموعة من العلماء (4 /1).

مقصودُ سورة (إبراهيمَ) هو التوحيدُ، وبيانُ أن هذا الكتابَ غايةُ البلاغ إلى الله؛ لأنه كافل ببيان الصراط الدالِّ عليه، المؤدي إليه، وأدلُّ ما فيها على هذا المَرامِ: قصةُ (إبراهيم) عليه السلام.

أما أمرُ التوحيد في قصة (إبراهيم) عليه السلام: فواضحٌ في آيات كثيرة من القرآن، والتوحيدُ هو ملَّةُ (إبراهيمَ) عليه السلام، التي حكَم اللهُ تعالى على مَن رَغِب عنها بقوله: {وَمَن ‌يَرْغَبُ ‌عَن مِّلَّةِ إِبْرَٰهِـۧمَ إِلَّا مَن سَفِهَ نَفْسَهُۥۚ} [البقرة: 130]. وقال الله تعالى في هذه السُّورةِ مبينًا حِرْصَ (إبراهيمَ) عليه السلام على التوحيد: {وَإِذْ قَالَ إِبْرَٰهِيمُ رَبِّ اْجْعَلْ هَٰذَا اْلْبَلَدَ ءَامِنٗا وَاْجْنُبْنِي وَبَنِيَّ أَن نَّعْبُدَ اْلْأَصْنَامَ (35) ​رَبِّ إِنَّهُنَّ أَضْلَلْنَ كَثِيرٗا مِّنَ اْلنَّاسِۖ فَمَن تَبِعَنِي فَإِنَّهُۥ مِنِّيۖ وَمَنْ عَصَانِي فَإِنَّكَ غَفُورٞ رَّحِيمٞ (36)} [إبراهيم: 35-36].

وأما أمرُ الكتاب: فلأنه من جملةِ دعائه لذريتِه الذين أسكَنهم عند البيت المُحرَّم؛ ذريةِ (إسماعيلَ) عليه السلام: {رَبَّنَا وَابْعَثْ فِيهِمْ رَسُولًا مِنْهُمْ يَتْلُو عَلَيْهِمْ آيَاتِكَ وَيُعَلِّمُهُمُ الْكِتَابَ وَالْحِكْمَةَ وَيُزَكِّيهِمْ}[سورة البقرة: 129].

ينظر: "مصاعد النظر للإشراف على مقاصد السُّور" للبقاعي (2 /198).