ترجمة سورة النجم

الترجمة الصومالية

ترجمة معاني سورة النجم باللغة الصومالية من كتاب الترجمة الصومالية.
من تأليف: الشيخ محمد أحمد عبدي .

Wuxuu ku dhaartay (Eebe) Xiddiggu markuu hoobto. (1)
Ee saaxiibkiin (Nabigu) ma dhumin, xaqana kama leexan. (2)
Kumana hadlo hawadiisa. (3)
quraankuna waxaan waxyi Eebe ahayn ma aha. (4)
Waxaana wax baray (oo xagga Eebe ka soo gaadhsiiyay) ku xoog wayn, (Malaku Jibriil). (5)
Ee caafimaad iyo quwaba leh, abuuriddiisuna egtahay. (6)
Wuxuu joogay jihadii sare (Jibriil). (7)
Kaddibna u soo dhawaaday kuna soo hoobtay (Nabiga). (8)
Intuu uga jirsado Qaanso (xadhiggeed) ama ka dhaw. (9)
Wuxuuna Eebe waxyooday Addoonkiisa (Nabiga) wuxuu u waxyooday. (10)
Qalbiguna Ma beeniyo wuxuu arkay (Nabigu). (11)
Ee ma idinkaa ka murmi «kana doodi» wuxuu arkay. (12)
Dhabnimuu Nabigu u arkay Jibrill mar kale. (13)
Sidratul-Muntaha agteeda. (14)
Agteedana waxaa ah Jannatul-ma'waa. (15)
(Wuxuu arkay) waqtiguu daboolayay Sidrada wax daboola. (16)
Arragguna kama iilan wuxuu arkay (Nabigu) mana xadgudbin. (17)
Dhabnimo yuuna u arkay (Nabigu) Aayado Eebe oo waawayn. (18)
Ka warrama (Sanamyada) Laata iyo Cuza. (19)
Iya Manaatadii saddexaad ee kale. (20)
Idinku ma waxaad leedihiin Lab Eebana Dhaddigga. (21)
Taasi waa qayb dulan ah. (22)
Sanammaduna magacyo aad magacowdeen idinka iyo Aabayawgiin mooyeen wax kale ma aha, wax xuja ahna Eebe uma soo dajinin, waxaan mala ahaynna ma raacayaan iyo waxa naftoodu doonto, xagga Eebana waxaa uga yimid hanuun. (23)
Mise dadka waxaa u sugnaaday waxay yididiishaan. (24)
Aakhiro iyo Adduunba Eebaa iska leh. (25)
Badanaa Malag Samada ku sugan oon shafeecadiisu waxba anfacaynin in Eebe idmo mooyee, Cidduu la doono oo ka raalli noqdo. (26)
Kuwa aan rumaynin Aakhiro waxay Malaa'igta ku magacaabi magac dhaddig. (27)
Wax cilmi ahna uma laha, ee waxay raaci mala uun, malana xaqa wax kama taro. (28)
Ee iskaga jeedso (nabiyow) Ruux ka tagay xukayga (Quraanka) oon doonin waxaan nolosha Adduunka ahayn. (29)
Kaasina waa garaadkooda aqooneed intuu gaadhay, Eebana waa ogyahay cidda ka dhuntay jidkiisa, waana ogyahay cidda hanuunsan. (30)
Samaawaadka iyo Dhulka waxa ku sugan Eebaa iska leh, si uu uga abaalmariyo kuwa xumaanta falay camalkoodii, ugana abaalmariyo kuwii wanaagga falay wanaag. (31)
Waana kuwa ka fogaada dambiga waawayn iyo xumaanta, wax yaryar mooyeen, Eebana waa waasac dambidhaafkiisu, wuuna idin ogyahay markuu idinka abuuray Dhulka iyo markaad ku asturantihiin uurka hooyadiin, ee Naftiinna ha ammaanina Eebaa og cidda dhawrsashada badane. (32)
Ka warrama midka xaqa ka jeedsaday. (33)
Oo wax yar bixiyay inta kalana reebtay. (34)
Ma agtiisaa cilmiga maqan yaallaa oo wuu arkaa. (35)
Miyaan looga warramin (dadka) wixii ku yiillay Kitaabkii (Nabi Muuse). (36)
Iyo kii (Nabi Ibraahimkii) ee oofiyay (wixii lafaray). (37)
Inaan nafna dambi naf kale qaadaynin. (38)
Ruuxna wuxuusan camalfalin heleeynin. (39)
Camalkiisana la arki doono. (40)
Ka dibna looga abaalmarin doono si buuxda. (41)
Eebaa xaggiisana loo ahaan. (42)
Eebe waakan wax ka qosliya kana oohiya. (43)
Isagaana wax dila waxna nooleeya. (44)
Isagaana abuuray labada nooc ee ah lab iyo dhaddigba. (45)
Kana ahaysiiyay dhibic soo baxday. (46)
Isagaana ahaysiin soo celinta kale. (47)
Eebe isagaa wax Hodmiya isagaana wax faqiiriya. (48)
Waana Eebaha xiddigga Shicra. (49)
Eebe isagaa halaagay Caadkii hore. (50)
Iyo Thamuudba waxna kama reebin. (51)
(Nabi Nuux) Qoomkiisiina horuu (uhalaagay), waxayna ahaayeen kuwa dulmi badan oo xadgudub badan. (52)
Qoomkii (Nabi Luudhna) wuu riday (Eebe). (53)
Wuxuuna ka daboolay wuxuu ku daboolay (oo caddibaad ah). (54)
Teebaadse nicmooyinka Eebe shakinaysaan (kana doodaysaan) dadow. (55)
Kan (Nabiga iyo Quraankuba) waa dige ka mid ah digayaashii hore. (56)
Wayna dhawaatay Saacaddii Qiyaame. (57)
Wax Eebe ka soo hadhay oo ogna ma jiro (markay dhici). (58)
Ma quraankanaad la yaabantihiin. (59)
Ood qoslaysaan (idinkoo beenin) oydaanna ooyeynin (cabsi darteed). (60)
Idinkoo waliba hilmaansan (islana wayn). (61)
Ee dadow Eebe u sujuuda caabudana. (62)
سورة النجم
معلومات السورة
الكتب
الفتاوى
الأقوال
التفسيرات

سورة (النَّجْم) من السُّوَر المكية، نزلت بعد سورة (الإخلاص)، وقد أشارت إلى صدقِ النبيِّ صلى الله عليه وسلم في تبليغه الرسالةَ، ونفيِ الهوى عنه، وأن كلَّ ما جاء به هو وحيٌ من عند الله، عن طريق جبريلَ عليه السلام؛ فحاشاه صلى الله عليه وسلم أن يفتريَ على الله الكذبَ، كما جاءت السورةُ الكريمة بإثبات بطلان الآلهة التي يَدْعُونها من دُونِ الله؛ فهو وحده المستحِقُّ للعبادة.

ترتيبها المصحفي
53
نوعها
مكية
ألفاظها
361
ترتيب نزولها
23
العد المدني الأول
61
العد المدني الأخير
61
العد البصري
61
العد الكوفي
62
العد الشامي
61

*  سورة (النَّجْم):

سُمِّيت سورة (النَّجْم) بهذا الاسم؛ لافتتاحها بقَسَم الله عز وجل بالنَّجْم.

* سورة (النَّجْم) هي أولُ سورةٍ أُنزلت فيها سجدةٌ:

عن عبدِ اللهِ بن مسعودٍ رضي الله عنه، قال: «أولُ سورةٍ أُنزِلتْ فيها سَجْدةٌ: {وَاْلنَّجْمِ}، قال: فسجَدَ رسولُ اللهِ ﷺ، وسجَدَ مَن خَلْفَه، إلا رجُلًا رأَيْتُه أخَذَ كفًّا مِن ترابٍ فسجَدَ عليه، فرأَيْتُه بعدَ ذلك قُتِلَ كافرًا؛ وهو أُمَيَّةُ بنُ خَلَفٍ». أخرجه البخاري (٤٨٦٣).

1. إثبات الوحيِ، وتزكيةُ مَن أُنزِلَ عليه (١-١٨).

2. الظنُّ لا يغني من الحق شيئًا (١٩-٣٢).

3. ذمُّ المشركين، وبيانُ وَحْدة رسالة التوحيد (٣٣- ٦٢).

ينظر: "التفسير الموضوعي لسور القرآن الكريم" لمجموعة من العلماء (7 /490).

مقصدُ السورة الأعظم هو إثبات صدقِ النبي صلى الله عليه وسلم فيما جاء به، ونفيِ الهوى عنه، فلا يَتكلَّم إلا بما علَّمه اللهُ إياه عن طريق الوحيِ؛ فهو الصادقُ المصدوق المبعوث من عند القويِّ المتعال، وفي ذلك يقول ابنُ عاشور رحمه الله مشيرًا إلى مقصودها: «تحقيقُ أن الرسول صلى الله عليه وسلم صادقٌ فيما يبلغه عن الله تعالى، وأنه مُنزَّه عما ادَّعَوْهُ.

وإثباتُ أن القرآن وحيٌ من عند الله بواسطة جبريل.

وتقريبُ صفة نزول جبريل بالوحيِ في حالينِ؛ زيادةً في تقرير أنه وحيٌ من الله واقع لا محالةَ.

وإبطالُ إلهيَّة أصنام المشركين.

وإبطال قولهم في اللاتِ والعُزَّى ومَناةَ: بناتُ الله، وأنها أوهام لا حقائقَ لها، وتنظيرُ قولهم فيها بقولهم في الملائكة: إنهم إناثٌ». "التحرير والتنوير" لابن عاشور (27 /88).

وينظر: "مصاعد النظر للإشراف على مقاصد السور" للبقاعي (3 /35).